Garowe (HM):- Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa wasiir kuxigeenka wasaaradda Maaliyadda u magacabay Saynab Ugaas Yaasiin,kadib markii Duqa Bosaso loo doortay wasiir kuxigeenkii hore ee wasaaradda Cabdisalaan Bashiir ,Saynab Ugaas waxay kuxigeen kasoo noqotay wasaradaha Haweenka & Caafimaadka.
Nuqul qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa u qornaa sidaan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray maanta oo ay taariikhdu tahay 13 Septembar 2018 ku magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.
Xeer Madaxweyne Lr. 121 September 13, 2018, kuna saabsan magacaabid Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland
Markay tixgeliyey: Aqoonteeda iyo khibradeeda shaqo
Markuu la tashaday: Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland
Waxuu Xeeriyey:
1. Waxaa Saynab Ugaas Yaasiin loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.
2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu
-DHAMMAAD-