Saraakiil ka tirsan XDS oo Maanta tababar loogu qaaday Turkiga.

Published: September 13, 2018

49 Saraakiiil iyo Saraakiil Xigeenka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Maanta loo qaaday Dalka Turkiga, si halkaas ay ugu soo qaataan tababar Sare loogu qaadayo aqoontooda iyo xirfadooda ciidan.

Saraakiishan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Golayaasha Dowladda.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, XasanCali Maxamed (Ammar dambe) ayaa guud ahaanba Saraakiisha iyo Saraakiil xigeennada nasiibka u yeeshay inay tababarka helaan waxa uu ugu baaqay inay dedaalkooda Laba jibbaaraan, isla markaana ay noqdaan kuwa Dalkooda wax u qabta aqoonta ay soo bartaana dalkooda ula soo noqda waxna kusoo kordhiya dalkooda.

Horseed Media

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *