France oo qiratay danbiyadii ay ka geysataya Aljeeriya xiligii gumeystaha – VIDEO

Published: September 14, 2018

Madaxweynaha dalka France Emmanuel Macron ayaa markii ugu horeysay qiray danbiyadii uu gumeystihii Faransiiska ka geystay dalka Aljeeriya xiligii uu socday dagaalkii gobanimo doonka.

Dagaalka ay shacabka Aljeeriya xoriyadooda ku doonayeen oo socday intii u dhaxeysay 1954 – 1962dii ayey ku dhinteen dad gaaraya 1.5 milyan oo qof.

Dowlada France oo soo gumeysaneysay wadanka Aljeeriya muddo 130 sano ah ayaa marnaba qiran danbiyadii ay ka geysatay dalkaasi, iyadoo aan weli la shaacin xogta ay xukuumadaasi ka heyso danbiyadii ay geysteen ciidamadeeda.

Madaxdii dowladihii hore ee France ayaa mar walba ka gaabsan jiray inay ka hadlaan arrintan la xariirta danbiyadii ka dhacay Aljeeriya oo kamid ahaa xasuuqyadii ugu xumaa oo ay Afrika ka geysteen gumeystayaashii reer Yurub.

Emmanuel Macron Madaxweynaha France ayaa khamiistii shalay ku dhawaaqay inuu siideyn doono xogta ay dowladooda qarinayeen qarniyadii lasoo dhaafay, xili uu booqasho khamiistii shalay ugu tagay Haweenay uu ka dhintay mid kamid ah raggii u dagaalamayey xoriyada Aljeeriya oo ay jirdil ku dileen ciidamada Faransiiska.

Ciidamada France ayaa xiligii uu socday dagaalkii Aljeeriya sidoo kale dil iyo jirdil u geystay dadka u dhashay France ee iyagu taageersanaa xoriyadoonka Aljeeriya oo ay ku jiraan dadkii taageeri jiray Shuuciyada ee kasoo horjeeday gumeysiga France.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *