Maamulka Falastiin oo xiray Xafiiskii uu ku lahaa wadanka Maraykanka

Published: September 14, 2018

Waxaa khamiistii shalay si rasmi ah loo xiray xafiiskii uu Maamulka Falastiin ku lahaa magaalada Washington DC ee caasimada Maraykanka, kadib amar todobaadkan kasoo baxay xukuumada Trump.

Dowlada Maraykanka ayaa isniintii lasoo dhaafay ku amartay Falastiiniyiinta inay xiraan xafiiskii rasmiga ahaa oo ay ku lahaayeen caasimada Maraykanka, xili xukuumada Trump ay cadaadis xoogleh saareyso maamulka xoreyd doonka ah ee reer Falastiin.

Maamulka Falastiin ayaa joojiyey wadahadaladii uu lalahaa Maraykanka kadib go`aankii Donald Trump ee bishii December ku sheegay in magaalada Qudus ay tahay caasimada Israel.

Xukuumada Trump ayaa sidoo kale horaantii sanadkan jartay deeq gaareysay 200 milyan oo dollar oo ay siin jireen hay`ada Qaramada Midoobay ee caawisa qaxootiga reer Falastiin.

Go`aanka xiritaanka xafiiska Maamulka Falastiin ku lahaa Maraykanka ayaa lagu soo beegay xili Falastiiniyiinta ay dacwad ka dhan ah Israel u gudbiyeen Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada Dagaal ee ICC oo fadhigeeda uu yahay The Hague, Holland.

Todobaadkan ayuu Maraykanka u hanjabay Maxkamada ICC inaysan dacwad kusoo oogi karin Askarta Maraykanka iyo Israel, inkastoo qoraal Jawaab ah oo kasoo baxay Maxkamada ICC lagu sheegay in Maraykanka uusan u hanjabi karin Maxkamada Caalamiga ah oo sheegtay inay hawsheeda wadan doonto.

Maxkamada Caalamiga ah ee ICC ayey hada horyaalaan dacwado ka dhan ah danbiyadii ay Askarta Maraykanka ay ka geysteen dalka Afghanistan iyo waliba dacwad kale oo ay Falastiiniyiinta ka geeyeen danbiyada askarta Israel ka geysteen dhulka la heysto.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *