Cabasho laga muujinayo ajaanibta kusoo badanaya Boosaaso-Dhageyso

Published: September 15, 2018

Magaalada Boosaaso waxaa ku nool oo ay Hooy utahay Kumanaan Qoysas ah oo kasoo barakacay Dhibaatooyinka kajira Dalalkii ay ku noolaayeen, Waxaana Dadkaas ay yihiin kuwo si xowli ah usoo galaya Magaalada.

Imaanshahooda kadib waxaa Culays Dareemay Shacabka ku nool magaalada Boosaaso kuwaas oo hadda qaylo dhaan ka diraya Hab Dhaqankooda sida qaar kamid ah shacbka ay u sheegeen HM.

Kumanaan ajaanib u badan Ethiopian ayaa xiligan ku nool magaalada Boosaaso waxaana badi ajaanibtan ay si qarsoodi ah uga tahriibaan xeebahana badacas ee ku teedsan Boosaaso iyagoona u socdaala dalal ay kamid yihiin kuwo khaliijka.

Hadaba Hoos ka dhageyso shacabka Boosaaso oo ka hadlaya qulqulka muhaajiriinta.

Horseed Media 2018