Maxaa ka jira in Daacish ay la wareegeen deegaanka Banxagar ee gobolka Bari-Dhageyso

Published: September 15, 2018

Qaar kamid ah warbaahinta Somalida ayaa saacidihii lasoo dhaafay Tabinayay warar sheegaya in Dagaalamayaal katirsan Kooxda La magac baxday Dowladda Islaamka ee Daacish ay la wareegeen Deegaano katirsan Dhanka Galbeed Ee gobolka Bari.

Deegaano ay kamid yihiin Banxagar, iyo Degmada Balidhidin ayay Warbaahinta maxaliga iyo kuwa caalamiga ay sheegeen in ay la wareegeen oo ay gudaha usoo galeen dagaalamayaasha kooxda Daacish ha yeeshee masuuliyiinta deegaanadan oo la soo xiriiray Horseed Media ayaa sheegay inwararkaasi ay yihiin kuwo been abuur waa sida ay sheegayaane.

Ciise Siciid Faarax “Ciise Khayr” oo ah gudoomiyaha seegaanka Banxagar iyo Ku xigeenkiisa Xasan Cabdisalaan Ciise ayaa HM u sheegay in amaanka guud ee deegaanada la sheegay in ay la wareegeen xoogag taabacsan Daacish ay gacanta ku hayaan ciidamo loo yaqaan guuto Bari oo kamid ciidanka Puntland.

Shalay ayay ahayd markii warbaahinaada Soomaalida ay sii daayeen warar la xiriira in xoogaga Daacish ay la wareegeen deegaano ay kamid yihiin Buq,Xamure iyo tuulooyin hoos taga deegaanka Banxagar ee gobolke Bari Puntland.

Hoos ka dhageyso warrysiga oo uu la yeeshay Wariyaheena Samiir Xaaji October

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *