Maxamad Maxamuud Cismaan oo shaaciyey in uu yahay musharax u taagan golaha wakiilada Puntland

Published: September 16, 2018

Aqoonyahan Maxamad Maxamuud Cismaan oo ku magac dheer Arbac ayaa sheegay in uu yahay musharax u taagan golaha wakiilada cusub ee Puntland sanadka 2019-ka

Xaflad lagu taageerayey msuharaxnimadiisa ayaa waxa ay ka dhacday magaalada Bosaso, iyadoo ay ka soo qeyb galeen nabadoono, cuqaal, waxgarad, ganacsato, aqoonyahano, dhalinyaro iyo haween.

Ugu horeyn waxaa xafladda ka hadlay musharrax xildhibaan golaha wakiillada Puntland 2019 Maxamad Maxamuud Cismaan isaga oo odayaasha iyo waxgaradka uga mahad celiyey taageerada ay siiyeen waxa uuna aad oga hadlay baahiyaha deegaanka iyo fursadaha uu wax uga qaban karo.

Sidoo kale musharrax ayaa balan qaaday in hadii xilkaas uu ku guulaysto uu noqon doono adeege qabta shaqada wakiillada laga rabo oo ay ugu horayso in uu noqon doono adeege u adeega bulshada kana qeyb qaata xal u helida baahiyaha deegaanka qabo, kana shaqaynayo horumarinta arimaha bulshada.

Musharraxa ayaa aad ugu dheeraaday baahida loo qabo in deegaanka uu matalo qof fahmi kara baahiyaha jirta sida caafimaadka waxbarashada iyo adeegyada aasaasiga, kartina u leh in uu ka raadiyo meel kasta oo ay ka suurta galayso

Nabadoonada iyo waxgaradka goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa nabadoon Maxamuud Xaaji Cabdullaahi, nabadoon Faarax Kuwayti, nabadoon Ayaanle Cali Samatar, nabadoon Maxamuud Axmad Rooble, nabadoon Maxamad Cumar, nabadoon Xasan Dhuqumeed, Dr.Maxamad Guray Firin iyo Prof.Maxamad Xasan Shoodhaadhi, waxa ay dhammaan soo dhaweeyeyen musharrax golaha wakiillada Puntland 2019 Maxamad Maxamuud Cismaan inuu yahay shaqsiga mudan howshaasi iyadoo ku guubaabiyey dhamaan dadka dega deegaanada Puntland in markaste ay garab istaagaan dadka cidii waxgabad la timaada Musharrax Arbacna howshaasi ay ku taageerayaan.

Guud ahaan odayaasha waxgaradka ka qeyb galay xafladda ayaa taageero la garab istaagay Musharrax Xildhibaan golaha wakiillada Puntland 2019 Maxamed Maxamuud Cismaan.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *