Waa sidee xaalada xildhibaankii xalay qaraxa loogu xiray gaarigiisa-Sawiro

Published: September 16, 2018

Masuuliyiin uu kamid yahay ra`iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa habeenimadii xalay isbitaalka waxa ay ku booqdeen xildhibaan Maxamed Mursal booroow oo dhaawac culus uu kasoo gaaray qarax fiidnimadii xalay gaarigiisa loogu xiray.

Ra`iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in si dhow ay dowladda federaalka ula socon doonto Xaaladda Xildhibaanka isla markaana hadii xaaladiisa caafimaad dalka wax looga qaban waayo daryeel caafimaad dibada loogu qaadayo.

Dhaqaatiirka isbitaalka uu ku jiro xildhibaanka ayaa dhankooda ra’iisul wasaaraha uga warbixiyay xaalada caafimaad ee xildhibaan Boorow iyagoona sheegay in ay soo kasoo raynbayso xaaladiisa Caafimaad.

Xalay ayay ahayd markii Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow uu ku qarxay gaari uu saarnaa oo noociisa lagu sheegay Toyoto Hilux xili uu marayay agagaarka madaxtooyada gaar ahaan dhanka Tiyaatarka qaranka,waxaana xildhibaanka uu qaraxaasi ku waayay gacantiisa Bidix halka uu ku dhintay dareewalkii waday gaarigii uu la socday xildhibaanka.

Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow ayaa ka mid ahaa Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, waxaana la sheegay in xildhibaan Boorow uu horay uga soo mid ahaa Baarlamaanadii kala duwanaa ee dalka soo maray.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *