Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya oo soo bandhigtay Sicirka Badeecadaha dalka

Published: September 16, 2018

Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Tusaha Sicirka Badeecadaha.

Agaasinka Tirakoobka iyo Xogaha Qaranka (Director National Statistics) ayaa waxa uu soo bandhigaa Bil waliba Tusaha Sicirka Badeecadaha suuqyada, waxaana lagu eegaa qiimaha badeecadaha iyo hanaank ay isku bedelaan.

Bishii Agoosto ayaa dhamaan qeybaha uu ka koobanyahay Tusaha Sicirka Badeecadaha kor u kacay 3.16% ee heerka cabirka Badeecadaha 12-kii bilood ee lasoo dhaafay, halkii uu ahaa 3.10% bishii Julaay 17 ilaa Julaay 18.

Hadaba Hoos ka Akhriso Tusaha Sicirka Badeecadaha oo uu soo bandhigay Agaasinka Tirakoobka iyo Xogaha (Director National Statistics) ee Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *