Ololaha musharax Faarax Cali Shire oo Bosaso ka bilowday-Sawiro

Published: September 17, 2018

Dr.Faarax Cali Shire ayaa maalintii shalay magaalada Boosaaso kaga dhawaaqay in uu kamid yahay musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynenimo ee Puntland.

Mudane Faarax Cali Shire oo horey u soo noqday wasiirkii hore ee maaliyada Puntland xukuumadii madaxweyne Faroole ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyay munaasababada soo bandhigida ololoihiisa musharxnimo waxa uu kaga hadlay arimo badan oo ay kamid yihin xaalada amni,dhaqaale iyo mida guud ee haatan ay ku sugan tahay Puntland.

Waxa uu sheegay in Puntland ay u dhisan yihiin tiirarkii dowladnimo balse ay u baahan tahay in la badbaadiyo sida uu hadalka u dhigay ,waxa uuna intaa ku daray hadalkiisa inhadafkiisa musharaxnimo uu yahay badbaadin iyo ka rumeyn rajo ay qabaan shacabka Puntland.

Musharax Dr.Faarax ayaa sidoo kale ka hadlay ahmiyad ay shacab weynaha Puntland u leedahay in la helo isbedel dhab ah oo ku yimaada hanaanka dowladnimo ee Puntland xili ay jiraan daldaloolo laga muujinayo qayimkii ay Puntland ku lahayd Soomaaliya inteeda kale.

Waxa uu tusaale ahaan uu usoo qaatay xiriirka sii xumaanaya ee xiligan u dhexeeya dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada si gaar ah Puntland oo ah hooyada federaalka haatanna uu madaxdeeda khilaaf kala dhexeeyo dowlada dhexe,waxa uuna sheegay in Puntland ay tahay meesha Soomaali ay kusoo hirato kagana dayato dowladnimada sidaas darteedna macquul aysan ahayn xiriir iyo wadashaqeyn la’aan lala yeesho dowlada federaalka.

Ugu dambeyn musharax Faarax Cali Shire ayaa khudbadiisa musharaxnimo ka sheegay in uu la imaan doono qorshayaal cad cad oo uju wax uga qabanayo hanaanka amni,dhaqan dhaqaale ee Puntland.

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *