Amiirka Qatar oo Saxiixay Labo Heshiis oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Qatar.

Published: September 18, 2018

Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani oo ah Amiirka Dalka Qatar ayaa saxiixay labo Heshiis oo hore ay u wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar.
Heshiiska Koowaad uu saxiixay Amiirka Qatar ayaa ku saabsan Adeega Duulimaadka waxaana Wafuud kala mataleysa Soomaaliya iyo Qatar ay Magaalada Doha ku galeen 18/3/2015.
Halka Heshiiska Labaad uu yahay Iskaashi dhinaca Caafimaadka oo Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay isku afgarteen 14/5/2018.
Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa hore u ballan qaaday inay Dowladdiisu Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada dhaqaalaha, dib u dhiska iyo howlaha horumarinta.
Dowlada Qatar ayaa sheegtay inay qorsheyneyso fulinta Mashruucyo ay ku kaceyso lacag dhan 2 boqol oo milyan oo dollar oo Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya halka dowladda Qadarna uu u saxiixay madaxa sanduuqa horumarinta ee dalkaasi.
Mashruucani horumarinta ayaa waxaa qeyb ka ah dhismaha Waddooyinka ka baxa Muqdisho ee taga magaalooyinka Afgooye iyo Jowhar ee Gobolada Shabeellada hoose iyo Shabeellada dhexe, dhismaha Aqalka Madaxtooyada, Dhismaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Xarunta dowlad hoose.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *