Isu duwihii Wasaaradda Howlaha Guud ee Somaliland oo la dilay

Published: September 18, 2018

Deegaanka lagu magacaabo Qori Luqud ee gobolka Togdheer ayaa lagu dilay Isu duwihii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dhulka ee Somaliland Eng. Axmed Cawil Daryeel

Dilka Isu duwaha ayaa yimid kadib markii nin ku hubeysan tooray uu soo weeraray Isu duwihii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dhulka ee Somaliland Eng. Axmed Cawil Daryeel.

Isu duwaha ayaa la sheegay xiliga la dilayey in uu howlo shaqo ka waday deegaanka Qori Lugud iyo deegaano u dhow, waxaana muran ka dhashay dhul laga qodayay deegaanka loo dilay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Somaliland oo ku aadan dilka Mas`uulkan loo geystay.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa baadigoob ugu jira ninkii dilka ka dambeeyay waxaana socda howlgalo.

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *