Wafdi ka socda Golaha Aqalka sare oo gaaray magaaladda Dhuusamareeb

Published: September 18, 2018

Wafdi ka socda Golaha Aqalka Sare ee xukuumadda Soomaaliya ayaa gaaray Maagaladda Dhuusamareeb si ay uga shaqeeyaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, waxaana hoggaaminayey Sanatar Cabdi Xassan Cawaale Qaad-diid.

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhusamareb ayaa waxaa ku soo dhoweeyey Masuuliiin ka tirsan Galmudug Sida Xildhibaano iyo Wasiiro, waxaana loo gudbiyey Gudaha Magaaladda iyadoo la filayo ina kulamo ay la qaataan Madaxda Galmudug.

Wafdigaan oo ka kooban Sagaal Xubnood ayaa waxay kala yihiin :-

1) Cabdi Xassan Cawaale (Qayb-diid)

2) Jawaahir Axmed Cilmi

3) Yuusuf Geelle Ugaas

4) Deeqo Xassan Xuseen

5) Mustaf Maxamed Qodax

6) Maxamed Amiin Sheikh Cusmaan

7) Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere

8) Abuukar Axxmed Xaashi

9) Cabdiwaaxid Cilmi Goon-jeex

Golaha Aqalka Sare oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa u istaagay sidii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah, taasi oo dhex marta xukuumadda Soomalaiya iyo mamaulka goboleedyada

-DHAMMAAD-

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *