Xildhibaan Cabdi Xakiin macalin: Waxaan si cad u codsanayaa in Khayre iyo Wasiiradiisa dalka isaga tagaan.

Published: September 18, 2018

Xildhibaanada golaha Shacabka ee baarlamaanka Somaliya, ayaa maanta sii waday dooda Amniga Muqdisho iyo wax ka qabashadeeda iyo sida amni loogu soo celin lahaa.

Kulanka maanta oo u ahaa kulanka 3-aad ee Kalfadhiga 4-aad, waxaa shir gudoominayay Gudoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, waxaana sidii qorshuhu ahaa hadalka la siiyay xildhibaano 27 ah oo ka haray doodii shalay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa sheegay in doodda inteeda ka hartay dib loo dhigey maalinta berito ah.

13 Mudane ayaa maanta hadashay 14 ayaana dhiman, Guddoomiyaha ayaa sheegay in maalinta berito ahi dooddu halkaas ka sii soconeyso haddana uu xiranyahay fadhigii maanta, Barri waa maalinka saddexaad ee xildhibaannada Golaha Shacabku ay ka doodi doonaan amniga dalka.

Xildhibaanada maanta hadlay waxaa kamid ah Xildhibaan C/Xakiin Macalin Axmed oo madasha ka sheegay in amarrada Shabaab si caadi ah malain iyo habeenba uga dhaqan galaan Muqdisho welina ay dad ku laynayaan magaalada muqdisho.

Waxa uu soo qaatay amarradii lagu xiray garoomada qaar ee Salaxa loo yaqiinay, kuwaasoo amarro ka soo baxay Shabaab lagu xiray, iyadoo dowladda Somaliya aaney waxba iska weydiin arintaas.

“Garoommadii kubbadda cagta lagu ciyaari jirey waa la xirey Shabaab ayaa sidaas amray, xildhibaannada haddaanay masuuliyaddooda qaadan karin ha isaga tagaan xilka oo dadka yaan la sirin, wax qorshe badbaado ah haddii aanan loo haynin shacabkan daaley yaan la dibin daabyeenin”, ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaan Cabdi Xakiin Macalin oo sii watay hadalkiisii, ayaa Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Somaliya Xasan Cali Khayre u soo jeediyay in isaga iyo Xukuumadiisaba ay dalka isaga tagaan, Sababta ayuu ku sheegay in sugida amniga lagu fashilmay.

“anniga waxaan codsanayaa si cad oo gambad lahayn Raysul-wasaaraha iyo xukuumaddiisa waddankan ha isaga tagaan wax waa qaban waayeene” .

 

Ugu dnabeyn, Xildhibaan C/Xakiin Macalin Axmed ayaa ku eedeeyay dowladda Somaliya iney caburin ku heyso xoriyada ra’yiga, Waxa uu sheegay inaan jirin cid ka hadli karta dal daloolada dowladda oo aan ka eheyn Baarlamaanka oo xasaanadooda looga baqanayo.

” Anigu runta ayaan dowladda ku taageeraya laakiin markaa been ku ciseeyso iyadaan duminayaa. dhanka kale dowladu wax ma qaban karto hadaanay maamul gobolleedyadu la heshiinin, Dowladdu waxay caburineysaa xuriyadda ra’yiga annaga xildhibaan ahaan ayaan u hadlaynaa mooyee cid ka hadli karta waxa uu aaminsan yahay ma jirto. Xukuumadda hada dalkan ka shaqeysa ma ahan tii aan kalsoonida siiney, maalinwalba wax aan sharci ahayn ayay samaynaysaa.”

Horseed Media

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *