Labada Kuuriya oo ku heshiiyey qodobo muhiim ah

Published: September 19, 2018

Labada hogaamiye ee dalalka Kuuriyada Waqooyi iyo Koonfureed ayaa maanta oo Arbaca ah heshiis ka gaaray qodobo muhiim ah kadib kulan labo maalmood u socday.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon ayaa booqasho sadex maalmood qaadan doonta ku jooga caasimada Kuuriyada Waqooyi ee Pyongyang.

Qodobada ay ku heshiiyeen ayaa waxaa kamid ah:

1- In Kuuriyada Waqooyi xirto mid kamid ah saldhigyada lagu sameeyo / Tijaabiyo Gantaalada ridada dheer.

2- In Kuuriyada Waqooyi ay xirto xaruntooda ugu weyn ee lagu sameeyo hubka nukliyeerka iyadoo ay goob joog ka yihiin kormeer-yaal caalami ah

3- In Labada dal ay sameystaan dhul militariga ka caagan oo u dhaxeeya xaduudahooda badda iyo dhulka, si looga hortago wax dagaal ah oo labada dal dhexmara

4- In labada dal si wadajir ah u doonaan marti gelinta ciyaaraha Olympikada ee sanadka 2032.

Qodobadan ayaa ah kuwo kasoo baxa kulamadii labaadii maalmood ee lasoo dhaafay u socday hogaamiyayaasha labada kuuriya oo berri leh kulankoodii ugu danbeeyey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *