Muxuu ku doortay Waare heshiiska uu la galay dowlada Federaalka

Published: September 19, 2018

Shir jiraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ka sheegay in la xaliyay khilaafkii u dhaxeeyay maamulkiisa iyo dowladda dhexe.

Waxa uu sheegay in madaxda dowladda Federaalka uu kala hadlay in tabashooyinka ay qabaan dowlad goboleedyada laga qanciyo,isla markaana isaga dhankiisa uu dowladda kala heshiiyey khilaafkii kala dhaxeeyey.

Hadalkiisa ayuu kusoo beegay xilli weli madaxda kale ee maamulGoboleedyada uu khilaaf kala dhaxeeyo dowladda,isla markaana Xubno ka socda Aqalka sare loogu diray dowlad goboleedyada si xal loo gaaro.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sidoo kale sheegay in uu diyaar u yahay wadahadal kasta oo xal ku imaanayaan,isla markaana Maamulka uu madaxweynaha ka yahay ay talo ku leeyihiin dadka ku abtirsada.

Heshiiska uu madaxweynaha Hirshabelle la gaaray dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lama filaan ku noqday madaxda maamul goboleedyada ee ku midoobay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa sheegaya in dowlada federaalka Soomaaliya ay kala dhaantaalayso madaxda maamul goboleedyada oo sida la fahamsan yahay iskaashi u sameystay dowlada dhexe taasoo hadii mid kamid ah madaxda maamul goboleedyada uu heshiis wada shaqeyn ah la galo dowlada dhexe ay dhabaha u xaarayso in meesha laga saaro gole iskaashi oo madaxda maamuladu ay kula xifaaltamaan dowlada federaalka Soomaaliya.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *