Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo Kormeer ku tagay Xarunta Tababarada General Gordan-Sawiro

Published: September 19, 2018

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa Kormeer ku Tagay Xarunta Tababarada General Gordan ee Muqdisho Taas oo Hore Gacanta ay ugu heysay Dowladda Imaaraadka Carabta Balse ay la Wareegtay Dowladda Soomaaliya.

Kormeerka wasiirka gaashaandhiga uu ku tagay xerada General Gordan waxaa ku wehlinayay Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Marwo Aamina Siciid,waxaana markii ay tageen xerada ay Warbixin ka dhageysteen Taliska Guutada 14 Octoobar Ee Degan Xerada tababarada General Gordan.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa Saraakiisha u sheegay in Dowlada Federaalka ay ku dadaaleyso sidii ciidammada u heli lahaayeen Tababaro iyo Qalab Casri ah, liyadoo ku guuleysatay inay daboosho howlihii Imaaraadka ka waday xaruntaasi, waana balanqaad uu hore u sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Dhanka kale Marwa Aamina Siciid ayaa Xustay in Madaxtooyadu ay kala Shaqeyn doonto Taliska Xaruntaas Bilicda iyo qalabeynta Xarunta.

Ciidammada 14-ka Octoobar ayaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose waxay kala wareegeen Argagaxisada Al shabaab, iyagoo burburiyay Saldhigyo ay kasoo abaabuli jireen Maleeshiyada Al shabaab Weeraro ay ku dhibaateeyaan Shacabka.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *