Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay qoyska gabar Muqdisho lagu dilay

Published: September 20, 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay qoyska ay ka baxday gabar ciyaal iskuul ah oo sagaal jir ahayd oo magaalada Muqdisho lagu dilay, sida uu warbaahinta u sheegay agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya.

Deeqa Daahir ayaa ku sii socotay guriga iyada oo saaran baska iskuulka oo dhex marayay magaalada Muqdisho, askarta dowladda ayaana rasaas furay si ay gawaaridu u socdaan oo saxmaddu u kala yaraato.

Balse kulanka uu madaxweynaha Soomaaliya la qaatay qoyska marxuumad Deeqa ayaan faah-faahin dheeri ah laga bixinin, iyadoo saxaafaddana ay bannaanka ka ahayd.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa xirtay afar askari oo lagu eedeeyay in ay dileen gabadhaasi.

Gabadha yar ayaa la aasay Khamiistii, kadib markii ay haleeshay xabbad iyada oo faraxsan oo jalaato cunaysa.

Qoyska gabadha ayaa dalbaday in caddaalad loo sameeyo lana ciqaabo askarii xabadda riday oo sabab u ahaa dhimashada deeqa.

Inta badan ciidamada Soomaaliya ayaa rasaas ku fura wadooyinka markii ay noqdaan jaab, waana wax caadi ka ah magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *