Qadar oo Somalia ka taageeraysa qorshaha higsiga 2040-ka

Published: September 21, 2018

Markii ugu horeysay dowladda Qadar ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay ka taageereyso qorshaha hiisgiga sanada 2040-ka.

Dowlada Qadar ayaa tilmaantay in Soomaaliya ayaa kasii gudbeyso marxaladii adkeyd iyo burburka sidaa aawgeed ay muhiim tahay in lagasii gaashanto hiigsiga Somalia ee 2040-ka.

Wasiirka Qorsheynta Qadar Dr Saleh bin Mohammad Al Nabit oo qaabilay wafdi uu hogaaminaayay dhigiisa Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in Qadar ay ku khasban tahay in Soomaaliya ay ka garabsiiso hiigsiga fog.

Dr Saleh bin Mohammad Al Nabit, waxa uu sheegay in Somalia ay u gudubtay heerka fog oo ay ku sameysan laheyd qorshooyinka mustaqbalka, waxa uuna cadeeyay in Soomaaliya ay muhiim u tahay inay hesho dal kala shaqeeya hiigsiga 2040-ka.

Dr Saleh bin Mohammad Al Nabit iyo Jamaal Maxamed Xasan ay kulankooda iskaashiga labada dal ee yoolka Soomaaliya ee 2040-ka ku qeexay in Qadar aan looga maarmi doonin in Soomaaliya ay ku jiheyso hiigsiga fog.

Wasiirka Qorsheynta Dalka Qadar ayaa dhiggiisa Soomaaliya ku wareejiyay hanaanka hiigsiga Qadar ee 2030-ka iyo waxyaabaha ka qabsoomay ilaa hadda si Somalia ay ugu dayato.

Dowladda Qadar ayaa sidoo kale ballan qaaday in Soomaaliya ay ka taageereyso dhamaan dhinacyada dowladda,Arrimaha Bulshada iyo horumarinta Ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Sidoo kale, Wasiir Jamaal ayaa dowladda Qadar uga mahad celiyay xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeya iyo kaalinta ay ku leedahay ka qeybqaadashada horumarinta Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Qadar ayaa muujineysa sida ay ugu heelan tahay Somalia oo goor sii horeysay ku garab istaagtay khilaafka iyo duulaan Siyaasadeedka xulafada Sacuudiga.

Horseed Medi 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *