Ugandha: Bobi Wine oo dalka dib ugu soo noqday isagoo kacdoonkiisii sii wada

Published: September 21, 2018

Hogaamiyaha Mucaaridka Ugandha Xildhibaan Robert Kyagulanyi oo loo yaqaan Bobi Wine ayaa khamiistii shalay dib ugu soo noqday dalka Ugandha isagoo arrimo caafimaad loogu qaaday dalka Maraykanka, kadib markii uu sheegay inay jirdileen ciidamada Yoweri Museveni.

Xildhibaankan oo horey u ahaan jiray heesaa dalkaasi caan ka ah ayey dhowr todobaad kahor ciidamada xireen xili ay taageerayaashiisa dhigeen banaanbaxyo rabshada wata oo looga soo horjeedo Madaxweynaha dalkaasi ka taliya ee Yoweri Museveni.

Bobi Wine ayaa ololihiisa mucaaridnimo bilaabay sanadkii hore kadib markii Madaxweyne Museveni loo ogolaaday inuu markale u tartami doono xilka kadib markii la badalay xadidaadii da`ada ee Dastuurka dalkaasi.

Booliiska ayaa hareereeyey madaarka uu kasoo degay xildhibaankan iyagoo sidoo kale isku gadaamay gurigiisa, taageerayaasha Bobi Wine ayaa iyaguna ka dhego adeegay amaro kasoo baxay dowlada oo lagu mamnuucay qabashada banaanbaxyo lagu soo dhaweenayo hogaamiyahan.

Wuxuu Bobi Wine sheegay in uu dalkiisa dib ugu soo noqday isla markaana uusan noqon dooni nin Qaxooti ku ah dal kale. Wuxuuna sheegay inuu sii wadi doono kacdoonkiisa ka dhanka ah xukuumada talada heysa.

Xildhibaankan ayey weli u socotaa maxkamadeyn la xariirta danbiyo ay dowlada kusoo oogtay oo ay kamid tahay inuu heystay hub sharci daro ah, eedeyntaasi oo uu horey u beeniyey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *