Iran oo Sacuudiga iyo Maraykanka ku eedaysay weerarkii lagu soo qaaday

Published: September 22, 2018

Dad gaaraya 29 qof ayaa ku dhintay in ka badan 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarkii maanta ka dhacay magaalada Ahvaz ee koonfur galbeed dalkaasi Iran.

Dabley hubeysan ayaa rasaas ooda uga qaaday dhoolatus militari oo la qabto sanad walba kaasi oo lagu xuso dagaalkii dhexmaray Iran iyo Ciraaq intii u dhaxeysay 1980-1988kii.

Maleeshiyaadka weerarka geystay oo qaarkood la sheegay in la dilay ayaa ku labisnaa dareeska ciidamada, waxayna rasaasta ku fureen dadkii iyo ciidamadii ku sugnaa goobta ay socodka ku marayeen kumanaan ciidamada Jamhuuriga dalka Iran.

Magaalada weerarka ka dhacay ee Ahvaz ayaa ka tirsan deegaanka ay ku badan yihiin Carabta ku nool Iran ee laga tiro badan yahay, wuxuuna deegaankaasi saaran yahay xaduuda dalka Ciraaq.

Dowlada Iran ayaa weerarkan ku eedaysay maleeshiyaadka xagjirka ah oo ay maalgeliso dowlada Sacuudiga oo taageero ka helaysa Maraykanka, sida ay sheegeen mas`uuliyiinta dowladaasi oo siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkii maanta.

Madaxweyne Xasan Rowxani oo isagu khudbad ka jeedinayey xafladii ka dhaceysay caasimada Tehran ayaa sheegay in ay iska dhicin doonaan cadowga kusoo duulay, isagoona sheegay in Maraykanka uu ku fashili doono duulaankiisa siduu u fashilay Sadam Xussen, waa siduu hadalka u dhigayee.

Xukuumada Iran ayaa ku goodineysa inay jawaab cad ka bixin doonto weerarka maanta oo kusoo beegmay xili ay xukuumada Maraykanka maalmihii lasoo dhaafay ay hanjabaad u direysay dalka Iran.

Todobaadka soo socda ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu khudbada uu kasoo jeedin doono kulanka Qaramada Midoobay inuu si gaar ah diirada ku saaro wadanka Iran, waxaana Maraykanka lagu casumay qaar kamid ah kooxaha mucaaridka ku ah Xukuumada Tehran.

Sidoo kale Boqortooyada Sacuudiga iyo Israel ayaa iyaguna bilihii lasoo dhaafay waday hanjabaad ka dhan ah ciidamada Jamhuuriga Iran oo la sheego inay ku lug leeyihiin dagaalada ka socda wadamada Siiriya iyo Yemen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *