Madaxweynaha Puntland Iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Magaalada Bosaso Lagu Soo Dhaweeyay

Published: September 22, 2018

Madaxwaynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Boosaaso ee xaarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha oo saaka kasoo kicitimay magaalada Baran ee xarunta Gobolka Sanaag oo uu maalmihii ugu danbaysay ku sugnaa ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinayey qaar ka mid ah Goloha Wasiirada Puntland iyo Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland maamulka Degmada Boosaaso iyo kan Goblka Barri Saraakiisha ciidanka Gobolka ganacsato, iyo dad wayne aad u farabadan oo lulayey calanka Dolwadda Puntalnd.

Dhinaca kale madaxweynaha Puntland intii uu ku sugnaa magaalada Baran waxaa uu kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada, sida cuqaasha, dhalinyarada, ardayda waxaana uu madaxweynuhu sidoo kale xarig kajaray jaray mashaariico horumarineed oo ay Dowladdu, halkaas ka fulisay, sidoo kalena ka dhagax dhigay mashaarico ay Dowladda iyo Shacabka oo iskaashanaya ay ka qayb qaadanayaan sida Terminalka Ariportka Badhan iyo Wasaaradda ganacisga.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Bosaso ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa,

“Guddoomiyaha, maamulka gobolka iyo wasiirada aad iyo aad baan idinkaga mahad naqaayaa idinka iyo shacbiga reer Bosaso soo dhaweenta quruxda badneed ee aad nasoo dhaweeyseen oo ahayd mid aad noo farxad galinaysay, waxaan u nimid in aan magaalada soo booqano magaaladan waa caasumadi ganacsiga Puntland, waa halbowlaha Puntland in magaalada xaaladeeda amni iyo mid maamul iyo arrimaha bulshada in aanu u kuur galno wixii isbadal ah oo ka jira iyo waxa aan ku kordhin karno oo wanaag ah, waan ognahay mas’uuliyiinta magaalada, gobolka iyo taliyaha qaybta in aad hawl wanaagsan ka haysaan magaalada” Ayuu yiri Madxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Ugu danbeyn Madxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku bogaadiyey shacab weynaha Puntland iyo ciidanka amnigaba in aan loo jixin-jixin kooxaha Daacish iyo Alshabaab isla`marahaantaana waxa uu madaxweynuhu sheegay haday isku xiran yihiin shacab iyo xukuumadba in laga guulaysanayo kooxahan itaalka daran.

-DHAMMAAD-

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *