Maraykanka oo 18 Al Shabaab ah ku dilay duqeyn Drone

Published: September 22, 2018

Afhayeenka u hadlay Taliska Militariga Maraykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday Jubbaland Jimcihii shalay ay ku dileen ugu yaraan 18 maleeshiyaadka Al Shabaab ah.

Nate Herring afhayeenka AFRICOM ayaa sheegay in duqeyntan ahayd mid looga hortagayey xoogaga Al Shabaab oo doonayey inay duulaan ku qaadaan ciidamada Dowlada Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Maraykanka oo dhaq dhaqaaq ka waday meel 50km dhanka Waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Maraykanka ayaa sare u qaaday weerarada ka dhan ah Al Shabaab bilihii lasoo dhaafay, waxaana dhawaan dagaal culus uu labada dhinac ku dhexmaray deegaanka Mubaarik ee gobalka Shabeelada Hoose.

Sidoo kale gobalada Jubooyinka ayaa kamid ah goobaha ay hada ka socdaan duulaanka uu ka qeyb qaadanayo Maraykanka, waxaana bishii June lagu dilay hawlgaladaasi hal askari oo Maraykan ah, halka lagu dhaawacay 4 kale.

Duqeyntii shalay ka dhacday deegaanka u dhaw Kismaayo ayaa la sheegay inaysan wax khasaaro ah kasoo gaarin ciidamada Maraykanka iyo kuwa kale ee Dowlada Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *