Musharax Madaxweyne PL Maxamuud Khaliif Jebiye oo tacsi ka direy geeridii Suldaan Xasan Cali Jibriil

Published: September 22, 2018

Musharax Madaxweyne PL Eng. Maxamuud Khaliif Xasan(Jebiye) oo la soo xiriiray Horseed Media ayaa tacsi ka direy geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Suldaan Xasan Cali Jibriil.

Eng. Maxamuud Khaliif Xasan ayaa yiri:

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun Ϻ ┘åϺ┘ä┘ä┘ç ┘êϺ┘åϺ Ϻ┘ä┘è┘ç Ï▒ϺϼÏ╣┘ê Waxaan tacsi tiiraanyo leh ka dirayaa geerida marxuum Suldaan Xasan Cali Jibriil maalintii (Jimcadii) ku geeriyooday Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag . Suldaan Xasan waxa uu ahaa qof kuweyn umadda Soomaaliyeed wuxuu ahaa Shaqsi Nabadeed eheludiin ah , waxaana lagu xusuustaa inuu ahaa qof umada u dhextahay ahna shaqi hormuud ah, waxay ahayd geeri aan maqlo tii iigu naxdinta badneyd, Rabbi ha u naxariisto marxuumka, dhamaanteen samir iyo iimaan ha inaka siyo, waxaan tacsi gaar ah u dirayaa xaasaskiisi iyo caruurtiisi iyo dhamaan Dhaqanka Soomaaliyeed oo uu ka baxay.

Inaa ilaahi wa inaa ilayhi raajicuun.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *