Askar lagu dilay magaalada Bosaso

Published: September 24, 2018

Magaalada Bosaso ayaa la sheegayaa in lagu dilay labo askeri, kuwaasi oo ay dilkooda geysteen dablay ku hubeysnayd bastoolado. Dilka askartaasi ayaa ka dhacay wadada dheer ee laamiga ah, gaar ahaan goobta laga raro gaadiidka PL-ka ah.

Labada askeri ee la dilay ayaa la sheegayaa in ay ka tirsanaayeen ciidanka gaarka ah ee madaxweynaha Puntland, waxaana dilka kadib goobta soo gaaray ciidamada ammaanka ee magaalada Bosaso.

Mid ka mid ah labada askeri ee la dilay ayaa la sheegayaa in uu ahaa sarkaal, kaasi oo lagu magacaabi jiray Axmad Maxamad Jaamac oo ku magac dheeraa Hurfe

Ciidanka ayaa goobta uu dilka ka dhacay baaritaano xoogan ka sameeyey, iyadoo la sheegay in ay xabsiga u taxaabeen dhammaan dadkii ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay.

Bishan gudaheeda magaalada Bosaso waxaa ka dhacay ilaa 8 dil, kuwaasi oo loo geystay askar iyo dad shacab ah.

Dilka ka dhacay magaalada Bosaso ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili magaalada uu ku sugan yahay madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *