Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay xildhibaanada golaha deegaanka degmada Bosaso

Published: September 24, 2018

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa kulan la qaatay xubnaha cusub ee golaha deegaanka degmada Bosaso, kulankaasi oo ka dhacay xarunta dowladda hoose ee magaalada Bosaso.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa maamulka gobolka Bari, kan degmada Bosaso iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland.

Ujeedka kulanka ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid isbarasho iyo is xog wareysi.

Duqa degmada Bosaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in golaha cusub ee degmada Bosaso ay isugu jiraan aqoonyahano iyo saraakiil, isla markaana ay yihiin kuwa wax ka bedeli kara magaalada Bosaso.

Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo oo sidoo kale ka hadlay kulanka ayaa sheegay in soo xulista xilidhibaanada ay waqti badan geliyeen, isla markaana ay soo xuleen xildhibaano tayo leh oo u baahnaa degmada Bosaso.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo ugu dambeyn kulanka ka hadlay ayaa xildhibaanada golaha deegaanka degmada Bosaso kula dar-daarmay in ay ka shaqeeyaan hormarinta degmada, kana fogaadaan wax kasta oo dhibaato u keenaya hormarinta magaalada.

Xubnaha cusub ee golaha deegaanka degmada Bosaso ayaa waxaa horyaala shaqooyin badan oo ay ka mid tahay wax ka qabashada amniga magaalada iyo dib u dayactirka wadada dheer ee laamiga ah.

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *