Xoghayaha guud ee Wasaarada ganacsiga Soomaaliya oo la magacaabay

Published: September 24, 2018

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska wasiirka wasaarada ganacsiga dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Xogahaye Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshada.

Cabdicasiis Ibraahim Aadan ayaa loo magacaabay xoghayaha guud ee wasaarada ganacsiga Soomaaliya ka dib markii uu dhintay masuulkii horey xilkaasi u hayay oo lagu Magacaabi jiray Abuukar Daahiye,

Abuukar Daahiye ayaa la sheegay in uu ku dhintay qaraxii 14-kii October ka dhacay magaalada Muqdisho sidaasna haatan lagu soo magacaabay xoghaye cusub.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa tan iyo markii uu la wareegay xafiiska wasaarada ganacsiga waxa uu isku shaandhayn iyo magacaabis ku sameynaya masuulyiinta iyo shaqaalaha wasaarada ganacsiga Soomaaliya.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *