Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ka doodaya xeer hoosaadka ay ku shaqeyaan

Published: September 24, 2018

Xildhibaanada golaha shacabka barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta fadhi ka yeelanaya wax ka badalka iyo ka doodista mid kamid ah xeerarka ay ku shaqeeyaan mudanayaasha barlamaanka FS.

Habeenimadii xalay ayaa fariimo qoraal ah loo diray xildhibaanada laguna wargaliyay in ay soo xaadiraan kulanka maanta ee la xiriira ka doodista xeer hoosaadka uu ku shaqeeyo baarlamaanka.

Xeer hoosaadkan ay xildhibaanada barlamaanka maanta ka doodayaan ayaa ah shuruucaha iyo xeerarka ay ku howlgalaan barlamaanka 10-aad ee dalka,waxaana kulanka maanta looga doodayo shir gudoomin doona Maxamed Mursal Sh.Cabdiraxmaan gudoomiyaha golaha shacabka Barlamaanka federaalka Soomaaliya.

Maalmihii lasoo dhaafay xildhibaanada golaha shacabka ayaa kulamo kala duwan kulahaa magaalada Muqdisho kuwaasoo ay uga doodayeen arimo la xiriira amaanka dalka iyo shaqooyinka xiligan horyaala ,waxaana haatan si dardar leh usocda kalfadhiga afaraad ee Barlamaanka.

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *