Dowladaha Somalia iyo Qadar oo heshiis hormarineed ku gaaray Mareykanka-Sawiro

Published: September 25, 2018

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa waxa uu goob joog ka ahaa seddex heshiis oo dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay ku saxiixdeen Magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Waxaa sidoo kale goob jooga ka ahaa heshiisyada ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Qatar Mas`uuliyiin ka socotay labada dal,waxaana kamid ahaa Marwo Sheikha Moza bint Nasser, Guddoomiyaha Golaha Xoghayeyaasha Hey`adda Silatech.

Heshiisyadan ayaa u suuragelinaya in lagu awood siiyo dhaqaale ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo laga abuurayo 75000 fursado shaqo gudaha dalka Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxaa ka dhaxeeyay xiriir caalami ah,iyada oo Madaxda Dowaldda Federaalka ee xilligaan jirtay ay xiriir wanaagsan la leedahay.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *