Liibiya: Dagaalka Tripoli oo sii xoogeystay iyo Loolanka u dhaxeeya France vs Italy

Published: September 25, 2018

Shacabka ku dhaqan caasimada dalka Liibiya ee Tripoli ayaa bilaabay inay halkaasi isaga qaxaan kadib markii uu sii xoogeystay dagaalka halkaasi ka socda.

Dagaalkan oo bilowday bishii hore ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay la hakiyey kadib markii waan waan laga dhex bilaabay maleeshiyaadka magaalada ku dhex dagaalamaya oo isku haya gacan ku heynta xarumaha dhaqaalaha iyo dowlada kuwaasi oo dhamaantood doonaya inay awood ku yeeshaan dowlada uu caalamka aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay Tripoli.

In ka badan 100 qof ayaa ku dhimatay dagaalada dib uga qarxay Tripoli, iyadoo ay Kumanaan kun oo shacabka magaalada ku noolaa ah ay bilaabeen inay halkaasi isaga qaxaan.

Iska horimaadka ayaa u dhaxeeya maleeshiyaadka loo yaqaan “Kaniyat” oo ka yimid magaalada Tarhouna oo 65 km koonfurta uga beegan caasimada Tripoli, iyo Labada maleeshiyo ee horey ugu awooda badnaa magaalada oo kala ah “Tripoli Revolutionaries` Brigades” (TRB) iyo Kooxda Nawasi.

Xiisadan ka taagan caasimada Liibiya ayaa khal khal weyn ku heysa qorshihii Beesha Caalamka ee ahaa in dhamaadka sanadkan wadankaasi lagu qabto doorashooyinka guud.

France oo olole xoogleh ugu jirta inay awood ku yeelato dalka Liibiya oo qani ku ah Batroolka ayaa sidoo kale loolan xoogan kula jirta wadanka Talyaaniga (italy) oo horey dalkaasi usoo gumeystay, dalalkan reer Yurub ayaa iyagu qorshe kala duwan kaleh dalka Liibiya.

Wasiirka Arrimaha Dibada France Jean-Yves Le Drian oo shalay shir jaraa’iid ku qabtay xafiiska ay ku leeyihiin xarunta Qaramada Midoobay, New York, U.S. September 24, 2018. REUTERS/Amr Alfiky

Faransiiska ayaa Isniintii shalay soo jeediyey in Golaha Amaanka uu cunqabateyn kusoo rogo hogaamiyayaasha maleeshiyaadka dagaalamaya ee caqabada ku ah qorshihii ay horey ugu dajiyeen dalkaasi, Wasiirka Arrimaha Dibada ee France Jean-Yves Le Drian ayaa soo jeediyey in cunaqabateyntii hore loo saaray kooxaha Tahriibayaasha (Magafayaasha) Liibiya hada lagu daro maleshiyaadka kale ee dagaalamaya.

Balse cunaqabateyntan ayaan la fileyn inay wax weyn ka bedasho xaalada ka jirta gudaha Liibiya maadaama hogaamiyayaasha la cunaqabateeyey ay yihiin kuwo aanba ka bixin dalka Liibiya.

Dhinaca kale Talyaaniga ayaa isaguna kasoo horjeeday qorshaha France ee ah doorashada in la qabto dhamaadka Sanadkan, qorshahaasi Faransiiska oo ay sidoo kale taageereen Qaramada Midoobay iyo Xukuumada KMG Liibiya, walow uusan Talyaaniga ku guuleysan inuu la yimaado qorshe kaas ka duwan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *