Madaxweynaha Puntland oo Ka Qayb Galay Aas Qaran oo Loo Sameeyey Marxuum Axmed Maxamed Jaamac (Hurfe)

Published: September 25, 2018

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka qayb galay aas qaran oo loogu sameeyey magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Barri Marxuum Axmed Maxamed Jaamac (Hurfe)

Aaska qaranka ee loo sameeyey Marxuun Marxuum Axmed Maxamed Jaamac (Hurfe) oo ahaa sarkaal katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa waxaa madaxweynaha Puntland ku wehelinayey, saraakiil ka tisan Madaxtooyada.

MadaxweyanhaPuntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey shacabka reer Puntland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Axmed Maxamed Jaamac (Hurfe), isagoona Illaahay uga baryey in uu u naxariisto denbigiisana dhaafo, qabrigana u waasiciyo marxuumka.

“…Anoo ku hadlaya magaca Puntland xukuumada iyo shacbiga reer Puntland meel walaba ay joogaanba inaan tacsi u diro saraakiisha iyo ciidanka Madaxtooyada, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Jaamac (Hurfe) oogacan ka xaqdarani ku dishay magaalada Bosaso ee gobolka Bari, Allaha ha u naxariisto sarkaalkan dadkii iyo eheladii u ka dhintayna samir iyo iimaan Alle haka siiyo….” ayuu yidhi Madaxweynaha Puntlnad Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale waxaa uu Alle uga baryey inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo marxuumka, camalkiisa inta wanaagsan Alle ku abaal mariyo, samir iyo iimaana Alle ka siiyo shacabka Puntland, eheladii, qarabadii iyo qoysaskii uu ka baxay.

Faafin Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *