Qalbidhagax oo maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Hargaysa-Sawiro

Published: September 25, 2018

(Horseed Media)-Magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Somaliland waxaa maanta gaaray Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Jabhada ONLF, dhawaana laga sii daayey xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Qalbi-Dhagax ayaa ka ambabaxay Magalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana markii uu ka dagay garoonka diyaaradaha Cigaal ee Hargaysa kusoo dhaweeeyay cuqaal,madax dhaqameed masuuliyiiin iyo dadweyne farabadan kuwaasoo ku faraxsanaa imaanshiyaha Qalbidhagax.

Qalbi-dhagax oo garoonka dayuuradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa kula hadlay saxaafada ayaa ka mahad celiyey soo dhaweynta loo sameeyey, isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu tago Magaalada Hargeysa.

“Waxaan salaan idinkaga sidaa madaxda ONLF oo sidoo kale dhowaan soo gaari doona magaalada Hargeysa” ayuu yiri Qalbidhagax oo kulamo la qaadan doona Masuuliyiin uu ku jiro Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Maamulka Somaliland ayaa xubno lagu tuhunsanaa iney xubno ka yihiin Jabhada ONLF u gacan geliyay xukumadihii ay hogaaminayeen Raisul Wasaareyaashii hore ee Itoobiya, iyadoo soo dhoweynta Qalbidhagax ay tahay mid la jaanqaadeysa isbedelka ka dhacay Itoobiya oo liiska argagaxisada ka saartay Jabhada uu ka tirsan yahay ee ONLF.

Tan iyo markii horaantii sanadkaan laga soo daayey Xabsi ku yaala Addis Ababa, halkaasi oo uu ku jirey mudo sanad ah, markii ay dhiibtey dowladda Soomaaliya, Qalbi Dhagax ayaa kulamo la qaadanayey dhinacyo kala duwan.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *