Xildhibaan Iidow oo beeniyay in uu damiin u raadinayo dadkii gubay Marxuum Axmed Dowlo

Published: September 25, 2018

“Tacdiga iyo dhibaatada loo geystay walaalkeen Axmed Dowlo aad ayaan uga xumahay, waxaana qabaa in sharciga deg deg lagu horkeeno ruuxi geystay tacdiga nuucaas ah” ayuu yiri xildhibaan Xildhibaan Xuseen Iidow oo ka jawaabay eedayn loo jeediyay oo ahayd in uu rabo in damiin lagu sii daayo dadkii dilay marxuum Axmed Dowlo.

Xildhiibaanku sidoo kale waxa uu dacaayada raqiis ah ku tilmaamay warkaas, waxa uuna sheegay in dadka denbigaas galay ay mudanyihiin in la marsiiyo wixii ay cadaaladu ka qabto.

Hay`adaha ammaanka ayaa gacanta ku haya dadkii gubay Axmed Mukhtaar (Axmed Dowlo) oo ahaa nin xoogsate ah oo todobaadkii hore lagu weeraray goob uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, isagoo dilkiisa loo adeegsaday baangad, lana gubay. Falkaasi oo si weyn loo cambaareeyey.

Dilkan ayaa la sheegay inay geysteen qoyska gabar uu guursaday wiil uu adeer u ahaa Marxuumka, qoyskaasi oo diidanaa in ay gabartooda raacdo wiilkaasi oo ay isla baxasadeen, marxuumka oo adeer u ahaa wiilka ayaa isagu loo dilay gacantii iyo taageeradii uu siiyey lamaanahaas is doortay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *