Madaxweyne Gaas miyuu xilka ka qaadayaa Gen.Siciid Dheere?

Published: September 26, 2018

Waxaa isa soo taraya xogta laga helayo Saraakiisha Darawiishta oo sheegaya inuu jiro khilaaf xoogleh oo u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Taliyaha ciidamada Difaaca Puntland Sareeyo Guuto Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere).

Khilaafkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo arrimo la xariira dhismaha ciidamada Darawiishta iyo xaalada dagaal ee ka jirta gobalka Sool, walow Mas` uuliyiintan sare aysan weli banaanka soo dhigin xiriirka sii xumaanayey muddooyinkii danbe.

Warar ay Horseed helayso ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu muddooyinkii danbe baadi-goob ugu jiray Taliyihii uu ku bedali lahaa Siciid Dheere oo ah nin khibrad dheer ku leh ciidamada isla markaana muddo dheer soo hayey xilka Taliyaha Guud ee ciidamada Difaaca, Siciid Dheer ayaa sidoo kale horey xilal uga soo qabtay Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas ayaan ku guuleysan inuu ka dhabeeyo isbedaladii uu sheegay inuu ku sameyn doono ciidamada Darawiishta markii uu xilka qabtay.

Ciidamada Darawiishta ayaa xiligan waxa ka muuqda dayac weyn oo uga yimid dhinaca Madaxtooyada Puntland oo ay hoos tagaan, ciidamada Darawiishta ayaa hada lagu tilmaamaa kuwa ugu liita dhinaca qaadashada Mushaharka, Qalabeynta iyo daryeelka guud marka lala barbar dhigo ciidamada kale ee Puntland sida kuwa Ciidanka Madaxtooyada, PSF, Marineska, Asluubta, iyo waliba Booliiska.

Waxaan sidoo kale lagu guuleysan in la meel mariyo talooyin badan oo uu horey usoo jeediyey Taliye Siciid Dheere oo la sheegay inuu si weyn u saluugsan yahay taageerada uu ka helay xafiiska Madaxweynaha.

Khubarada Militariga ayaa marar badan sheegay in qaab dhismeedka ciidamada Darawiishta ee hoos taga Madaxtooyada uu yahay mid u baahan wax ka bedal.

Waxaa horey loo soo jeediyey in Puntland dhisato Wasaarada Difaac oo qaabilsan qorshaha ciidamada oo leh miisaaniyad cad oo lagu qalabeeyo ciidamada, halka Darawiishta la hoos geeyo Madaxtooyada oo leh ciidamo kale oo u gaar ah oo aan hoos imaan Taliska Daraawiishta. Madaxtooyada ayaa mar walba xooga saarta qalabeynta ciidanka Madaxtooyada halka Darawiishta uu weli heysto Dayac xoogan.

Warar aan si madax banaan loo xaqiijin karin oo laga soo xiganayo Saraakiil ka tirsan Darawiishta ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas ka codsaday in Taliye Siciid Dheere inuu xilka iska-casilo xili ciidamada ay ku mashquulsan yihiin xiisada ka taagan Tukaraq. Wararkaasi ayaa intaas ku daraya in Taliye Siciid Dheere ka digay kana soo horjeestay in hawlgalada ciidamada lagu soo beego xiliga Doorashada Puntland taasi oo shaki abuuri-karta.

Taliyaha Darawiishta ayaa la sheegay in dhankiisa uu si weyn u dhaliilsan yahay qaabkii loo maareeyey hawlgalka Tukaraq oo la sheegay inuu doonayey bilihii hore inuu qaado tilaabooyin milatari, hase-yeeshee qorshahaasi ay ka cago-jiiday Madaxtooyada. Arrintaani ayaa dhabar jab ku noqotay qorshihii kowaad oo ay saraakiisha militariga Puntland ka damacsanaayeen jiida Tukaraq. Taasi oo jirta ayaa lagu soo waramayaa in Madaxweynaha dhawaan codsaday in hawlgalo cusub la bilaabo xili ay soo dhawaatay Doorashada Puntland oo ay ka harsan tahay muddo sadex bilood ah.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu xiriiro kala duwan la sameeyey Qaar kamid ah Saraakiishii hore ee militariga Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Puntland inay xilkaasi qabtaan, kuwaasi oo la sheegay inay intooda badan ka cudur-daarteen in xiligan ay qabtaan xilka uu hayo Siciid Dheere, dhinaca kale waxaa todobaadkan soo baxaya warar sheegaya in Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobalka Nugaal oo ay xiriir fiican leeyihiin Madaxweynaha la filayo in loo magacaabo hogaanka Darawiishta, balse warkaasi maaha mid ay weli xaqiijisay Madaxtooyada Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *