Maxkamadda dambiyada cuslus ee Puntland oo riday xukuno kale duwan-Video

Published: September 26, 2018

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa xukun dil toogasho ah ku riday sedddex nin oo ku eedaysnaa ka mid ahaanshaha Ururada Daacish iyo Al-Shabaab .

Seddexda xubnood ee dilka lagu xukumay waxaa lagu kala magacaabaa Xasan Laamow Aadan ka tirsan Ururka Daacish ,Yaasiin Cismaan Cabdi Saalax ka tirsan Ururka Al- Shabaab iyo Xasan Maxamed Cali Ibraahim ka tirsan Al-Shabaab.

Maxkamadda ayaa sidoo kale Xabsi daa`in ku xukuntay seddex nin oo kale oo lagu kala magacaabo Xuseen Jaylaani, Cabdi Cumar iyo Bishaar kuwaasi oo la sheegay in Ururka Al-Shabaab xubno ka yihiin , iyagoona lagu soo qabtay howl galo laamaha ammaanka ee gobalka Bari sameeyeen .

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *