Farmaajo: “Caruureey, Waalidiiney Ha Maqlina Siyaasiga Xanaaqsan”? -DHEGAYSO

Published: September 27, 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta khudbad ka jeediyey munaasabad lagu daahfraayey barnaamij lagu sheegay Waxbarashada dadweynaha.

Ka hor khudbadda Madaxweynaha ayaa ardey laga so ururiyey dugsiyada Muqdisho waxay ka jeedyeen heeso iyo hadalo ay ku durayaan siyaasiyiin aan la garan markii hore laakiin Madaxweynuhu iftiimiyey oo uu ku sheegay “Siyaasiga xanaaqsan”

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay jiraan siyaasiyiin xanaaqsan oo dadka niyad jebiyea, wuxuuna sheegay in ay ka hadlaan hadalo calaal ah oo aan ahayn dhaqankii Soomaaliga ah.

……Siyaasiga xanaaqsan, waxay ka shaqeeyaan, waa run!, mustaqbalka Soomaaliya dan kama laha, waxaa u daran dantooda shakhsiga ah, waxay ka hadlaan negative, waxay ka hadlaan wax xun, waxay ka hadlaan dalkaan waa burburay, waxay ka hadlaan beesha caalamku hanoo timaado, waxay ka hadlaan waa nala ka adkaadey, dhaqankii soomaaliga ahaa sidaas maaha, siyaasi xanaaqsan waxa uu dadkii gaarsiiyey in ay dadkii is dhiibaan, dadkii waa disheen rajadii ayaa dadkii ka disheen.

Khudbadan ayaa imaaneysa iyada oo Madaxweynaha ay khilaaf kala dhexeeyo hoggaamiyaasha Dowlad goboleedyada iyo weliba siyaasiyiin waaweyn ee baarlamaanka kamid ah, kuwaas oo dhawaan doodii baarlamaanka ku so bandhigey in amniga dalku faraha ka baxay.

Farmaajo ayaa sheegay in dad ahaan Soomaalidu adag yihiin, oo ay yihiin dhagxaan aan la tuujin karin.

Dhegayso khudbaddii Madaxweynaha

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *