Muxuu Farmaajo ku doortay ereyga”Siyaasiga xanaaqsan”

Published: September 27, 2018

Khudbad uu maanta ka jeedinayay madal lagu furayay olole loogu magacdaray waxbarashada dadweynaha ayuu si maldahan ugu weeraray siyaasiyiinta aan ku qanacsanayn siyaasadiisa hogaamineed iyo madaxda maamulada ee xiligan uu ismaandhaafka siyaasadeed uu kala dhexeeyo.

Waxaa ereyadii ku cusbaa saaxada siyaasada ee uu madaxweynuhu maanta ku hadaaqayay kamid ahaa erayga (siyaasiga xanaaqsan) kaasoo uu sheegay in dalka uu qaribay dadkana looga baahan yahay in aysan dhag jalaq u siin waxa uu ku hadaaqayo .

“Siyaasiga xanaaqsan waxa uu markasta dhahaa dalka wuu burbursan yahay,hanala soo dhex galo,ciidamadeena awood malahan marka siyaasiga xanaaqsanow rajada dadka hakaga ciyaarina”ayaa qeyb ka ahaa kalmadihii uu maanta madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo ka sheegay madashii uu khudbada ka jeedinayay,waxaase erey bixinta kalmadan ay noqotay mid ugub ku ah saaxada siyaasada.

Saaxiibada siyaasada ka faalooda waxa ay aaminsan yihiin in erey-siyaasadeedkan uu madaxweynuhu ula dan lahaa in uu si maldahan oo aan qeexnayn uu ugu weeraro siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kasoo horjeeda siyaasada hogaamineed iyo shakhsiyaadka kale ee aan xilalka ka hayn dowlada uu hogaamiyo.

Balse hadalkiisa uu ku weeraray siyaasiyiinta iyo madaxda ay ku jiraan kuwo heer maamul goboleed oo iyagu ay saameynayso kalmada “Hanala soo dhexgalo” ayay saaxiibada siyaasada ka munaashaqooday sheegayaan in ay sii kala fogaynayso kala aragti duwaanshiyaha siyaasadeed ee xiligan ka dhex aloosan madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ,Waxaase hubanti ah in siyaasiyiin badani ay jawaab ka bixin doonaan hadalka madaxweynaha dalka.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *