Kulan loogu qareemayey ardayda maqalka naafada ka ah oo lagu qabtay Bosaso

Published: September 27, 2018

Kulankan oo ahaa mid bulshada loogu so bandhigayey sidii ay uga qayb-qaadan lahaayen dhammeystirka adeegyada waxbarasho ee dugsiga ay wax ku bartaan ardayda qaba baahiyaha gaarka ah gaar ahaan, kuwa maqal la’ kaasi oo sanad ka hor laga hir geliyey magaalada Bosaso.

Dr. Cabdiraxman Xasan oo ah Maamulaha Dugsiga ayaa sheegay in hadafka loo aas-aasay dugsigan ay tahay sidii ardayda maqalka naafada ka ah loogu heli lahaa waxbarasho la mid ah tan ardayda maqalkoodu taamka yahay.

Mid kamid ah waalidinta ardayda baahiyaha gaar ka ah qaba oo ka hadlau kullanka ayaa sheegay in dugsigan uu yahay mid waxbadan ku soo kordhinaya bulshada loona baahan yahay in laga qayb-qaato, isla markaana uu la wel-welsanaa cunug dhegool ah oo uu dhalay, hadan uu u helay waxbarasho.

Waxaa kaloo ka hadlay kulanka Sheekh Faarax Cajab oo u ololeeyaha dadka nugul, sidoo kale waxaa ka hadlay Dr.Jibriil oo ah dhakhtarka xarunta dhimirka Bosaso, isla markaana wakiil u ah Qoryooley Foundation ayaa balan qaaday in ay ka qeyb qaadan doonana u qareemidda dakd nugul, gaar ahana dadk baahiya gaarka ah qaba, isla markaana ugu qareemi doona dhanka warbaahinta, taasi oo uu codsaday Dr.cabdiraxmana oo ah mamaulaha xarunta dhagoolayaasha in laga taageero dhanka saxaafadda

Sidoo kale kulanka waxaa ka hadlay Suldaan Maxamuud oo ku booriyey hantiilayaasha iyo shacabka in ay ka qeyb qaataan in la tageero xaruntaasi

Ugu dambeyn waxaa soo xiray kulnka Suldaan Maxamed Muuse Maxamud Geel-xoor oo ka mid ah isimada Puntland, isla markaana gacan weyn ka geysta dadka baahiyaha gaarka ah qaba sida ( dadka dhimirka qaba, dhagoolayaasha, indhoolayaasha iyo dadka naafadaha ah

Dr.Qoryooley Foundation oo muddo 20 sano ah maal gelinayey dadka baahiyaha gaarka ah qaba sida,(Especilall Needs) gaar ahaan dadka qaba xanuunka dhimirka, oo dhowr kun oo qof ku caafimaadeen xarunta dhimirka Bosaso (Bosaso Mental Health Center)

Waa markii ugu horaysay oo dugsi noocan oo kale ah laga furo magaalada Bosaso, waxaana loo arkaa mid ay ka faa`idaysan doonaan ardayda maqalkoodu uusan dhammeystirnayn.

 

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *