Maxaa kasoo kordhay iskahor imaadkii ka dhacay Xabsiga Weyn ee Boosaaso

Published: September 27, 2018

Iska-horimaad Khamiistii ciidamo gadoodsan oo ka tirsan ilaaalada xabsiga weyn ee Boosaso iyo ciidamada kale oo ka socda kuwa Difaaca Puntland ku dhexmaray gudaha gaalshiraha magaalada ayaa lasoo warinayaa in uu dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamo ilaalo ka hayay Jeelka weyn ee Boosaaso ayaa la sheegayaa in ay ka gadoodeen mushahar la’aan mudo dhowr bilood ah taasna ay keentay in ciidamo loo diro kadib markii la dareemay in ay gadoodsan yihin ,ismaandhaaf kadibna uu jeelku ku dhexmaro dagaal daqiiqada qaatay.

Warar ay helayso Horseed ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada gadooday ay markii hore ku andacoodeen in ay waayeen xuquuqdooda sidaasna ay wacad ugu mareen in ay sii deyn doonaa maxaabiista ku xiran Xabsiga taasina ay sababtay in ciidamo ka tirsan kuwo amaanka loo diro jeelka weyn si ay kusoo qab qabtaan askarta gadootay, dagaalkuna uu sidaasi ku qarxay. Ciidamada Difaac ayaa la wareegay gacan ku heynta Xabsiga isla markaana la sheegay inay qabteen dhamaan askartii gadoodka ahaa.

Wararku waxa ay intaa ku darayaaan in khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkan uu gaarayo 4-ruux oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira isla markaana khasaaruhu uu soo kala gaaray ciidamadii dagaalamay iyo qaar kamid ah maxaabiista Xabsiga lagu hayey.

Dhawaaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen ciidamadan dagaalamay ayaa laga maqlay xaafado kamid ah Bosaaso taasoo dadweynaha shaki ku abuurtay xili la ogaa in maalmihii lasoo dhaafay magaalada ay ka dhacayeen dilal qorsheysan ciidamaduna ay wadeen howlgalo amni xaqiijin ah.

Xiliga uu weerarku dhacayo oo waxaa jiray kulamo ay wadeen laamaha amaanka Boosaaso kuwaasoo ay kaga arrinsanayeen xaalada amni ee magaalada ganacsiga.

Madaxweynaha Puntland Cabdweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan xiligan magaalada Boosaaso ayaa dhawaan ka dhawaajiyay in Boosaso laga sifeynayo kooxaha liddiga ku ah amaankeeda isla markaana la xoojinayo howlgalada ay ciidamadu ka wadaan gudaha iyo daafaha magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Boosaaso.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *