Wasaarada gaadiidka Somalia oo soo saartay xeer lagu mamnuucayo gawaarida…

Published: September 27, 2018

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan la dhaqan galin doono xeer qaran, kaa oo lagu howlgalin doono shuruucda uu gaadiidku lahaa.

Wasaarada ayaa sheegtay inay muhiim tahay in dib loo soo saaro shuruucda xeerkan oo ka kooban 24 qodob ay ku dhaqmi doonaan gaadiidleeyda inta laga soo saarayo sharciyadii uu hore u lahaa gaadiidka dalka.

Agaasimaha guud ee wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Cali Gacal Gaaboow ayaa sheegay in gawaarida cusub ee dekedaha dalka lagasoo dajin doono ay heli doonaan Taariko ganacsi oo gaar ah taaso sahlaysa in la kala xadiyo gawaarida ganacsiga iyo kuwo gaarka loo leeyahay.

Waxa uu tilmaamay in qofka helaya taarikadan ganacsi ee cusub uu gaarigiisa ku qaadan doono aqoonsi kala saaraya gaadiidka ganacsiga iyo midka caadiga ah,waxaana uu sidoo kale sheegay in la diiwaan gelin doono dhammaan geerishyada iyo goobaha lagu hagaajiyo gawaarida ee ku yaalla dalka gaar ahaan kuwa ku yaala magaalada Muqdisho.

Cali Gacal Gaaboow Agaasimaha wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada ayaa sheegay in guud ahaan dalka laga mamnuuci doono gaadiidka uu isteerinkoodu ku yaalo dhanka Midig isla markaana la diyaariyay Xeer suurto galinaya in la mamnuuco isticmaalka gawaarida isteerso midigta ah ee ay darewalada gaadiidka qaar isticmaalaan.

Si kastaba ha ahaatee, Wasaarada Gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay in ay soo celin doonto dhammaan shuruucihii u degsanaa wasaarada ee lagu dhaqayay gaadiidka iyo waddooyinka, haatanna uu socdo qorshe lagu hubinayo caafimaadka darewalada gaadiidka, Da`da iyo bad qabka gawaarida si ay u yaraadaan shilalka gawaarida.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *