Wasiir Beyle “Lacagta Soomaaliya la siiyay waa deeq ee mahan deyn”

Published: September 27, 2018

Shir saxaafadeedka Billaha ah ee ayuu Wasiirka Maaliyadda dowlada federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle , faah-faahin kaga bixiyay guulaha Soomaaliya ay ka gaartay hagaajinta Maaliyadda.

Waxa uu sheegay wasiir Beyle in shuruudihii ugu muhiimsanaa ee deymaha looga cafinayo Soomaaliya ay ka gudubtay ka hor waqtigii loogu tala galay sida ay qireen madaxda hey`adda Lacagta Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya waxa uu sheegay in Soomaaliya ay deeq bixiyayaasha caalamka oo ay ugu horreeyaan Bangiga Adduunka iyo Midowga Yurub ay ugu deeqeen 427 Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah, iyagoo ka duulaya sidii ay Soomaaliya u fulisay shuruudihii ku xirnaa nidaamka deyn cafinta.

Wasiir Beyle waxa uu meesha ka saaray in ay deyn tahay Lacagaha la siinayo Soomaaliya, taasi oo ay warbaahinta qaar daabaceen.

“Waxaan halkan ka sheegayaa inay Lacagtan Soomaaliya la siiyay ay deeq tahay, deyn ma qaadan karno “, ayuu yiri wasiir Beyle.

Dabagalka Lacagta deybta ah ee caalamku ku leeyahay Soomaaliya ayuu soo hadal qaaday wuxuuna sheegay in ay ku ogaatay Wasaaradda maaliyada Lacag dhan Hal Bilyan oo Doollar inaan la heyn ciddii saxiixday iyo sida ay ku timid.

Dowladda Federaalka ayuu sheegay in madaxdeedu ay ka go`an tahay hagaajinta maamulka Maaliyada si caalamku u aamino loogana cafiyo deymaha lagu leeyahay iyo kobcinta dhaqaalaha si ay Soomaaliya u gaarto isku filnaan.

Wada hadallada deymaha caalamka looga cafinayo Soomaaliya ayaa dhamaanaya marka la gaaro Bisha May ee Sanadka soo socda, waxanay Dowladdu u muuqataa mid muhiimad gaar ah siisay hagaajinta maamulka maaliyadda oo ku xiran horumar ka Dalkeenna.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *