Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle waxaa gaaray Maxamed Cabdi Waare madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo kuwaasoo kasoo kici timay magaalada Muqdisho.
Waare oo xalay mooshin kalsooni kala noqosho ah ay ka gudbiyeen xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa sida wararku sheegayaan Jowhar u tagay sidii uu kulamo ula yeelan lahaa xildhibaaanada Mooshinka ka keenay.
Ilo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in madaxweyne Waare uu xildhibaanada kala hadlayo mooshinka xil gudasho la’aanta ay ka keeneen iyo sidii uu xildhibaanada ugu qancin lahaa in ay dib ula laabtaan mooshinka ay ka keeneen.
Ku dhawaad 60 xildhibaan ayaa mooshinka kalsooni kala noqoshada ka gudbiyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare kaas oo mudo labo asbuuc heshiis wada shaqeyneyd la gaaray dowlada federaalka Soomaaliya.
Lama oga waxa kasoo bixi kara kulanka uu madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare kula leeyahay magaalada Jowhar xildhibaanada maamulka Hirshabeelle ee mooshinka ka wada balse saacadha iyo wakhtiyada soo aadan ayaa la filayaa in xogo intaasi ka badan laga helo mooshinka iyo kulamada uu Waare ka wado Jowhar.
Horseed Media 2018