golis

Xaaf oo beeniyay in Nairobi ay ku shireen madaxda maamul goboleedyada

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo maanta dib uGu laabtay magaalada Dhuusomareeb kadib safar uu maalmahan uGu maqnaa dalka Kenya ayaa ka hadlay warar dhawaan la isla dhexmarayay oo sheegaya in magaalada Nairobi ay kulamo ku yeesheen madaxda afarta maamul goboleed ee ku mideysan golaha iskaashiga.

Xaaf ayaa sheegay in aysan jirin wax haba yaraatee shir ah oo Nairobi ay ku yeesheen golaha iskaashiga dowlad goboleedyada marka laga reebo sida uu sheegay kulamo gaar gaar ah oo madaxda ay yeeshen inta ay ku sugnaayeen Nairobi.

Madaxweynaha Galmudug waxa uu sidoo kale ka hadlay ismaandhaafka siyaasadeed ee maamulkiisa xiligan kala dhexeeya madaxda dowlada federaalka ,waxa uu sheegay in xalinta arimahani ay ku howlan yihiin xildhibaanada golaha aqalka sare ee Galmudug ku matala Dowlada federaalka ,lagana war dhowrayo waanwaanta ay wadaan.

Khilaafka u dhexeeya dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada Ayaa weli xal rasmi ah laga gaarin iyadoona aysan muuqan saan saan la iskugu soo dhaweynayo madaxda federaalka iyo kuwa maamulada oo khilaafkooda uu todobaadyadii lasoo dhaafay uu gaaray heerkii ugu sareysay.

Horseed Media 2018