golis

Galmudug: Xildhibaano gudoomiye barlamaan ku doortay Dhuusomareeb

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug garabka fadhiya Dhuusamareeb ayaa waxa ay maanta gudoomiye u doorteen Ismaaciil Cabdulle Axmad kadib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusomareeb.

Doorashada gudoomiyaha barlamaanka Galmudug oo ay ku tartamayeen sadex musharax oo lagu kala magacaabo Ismaaciil Cabdulle Axmad ,Aadan Xaaji iyo Salaad Caynte ayay xildhibaanadu ugu kala codeeyeen sadexdan musharax kuwaasoo labo musharax oo kamid ah ay ka tanaasuleen tartanka doorashada. maadama hal musharax uu codadkii badi isku uruursaday.

Ismaaciil Cabdulle Axmad oo ah musharaxa ku guuleystay doorashada maanta dhacday isla markaana xildhibaanada Galmudug garabka Dhuusomareeb ay u doorteen gudoomiyaha barlamaanka Maamulkaasi ayaa isla maanta lagu dhaariyay xarunta ay ka dhacaysay doorashada gudoonka barlamaanka Galmudug.

Doorashada ay xildhibaanada Galmudug garabka fadhiya Dhuusomareeb ugu doorteen gudoomiye barlamaan xildhibaan Ismaaciil Cabdulle ayaa loo arkaa mid meesha ka saaraysa dadaaladii lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafka madaxda Galmudug u dhexeeya.

Horseed Media 2018