golis

Dhuusomareeb: Xildhibaano mooshin ka wada madaxweynaha Galmudug

Sida wararku ay sheegayaan Ku dhawaad konton iyo shan xildhibaan ayaa mooshin ka wada madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Xildibaanadan mooshinka wada ayaa la sheegayaa in yihiin garabka Ahlusuna ee fadhiya Dhuusamareeb kuwaas oo horayna mooshino uga keenay gudoomiyahii baarlamaanka Galmudug iyo kuxigeenka madaxweynaha maamulkaasi.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in sababaha mooshinkan ay u keeneen xildhibaanada fadhiya Dhuusomareeb ay tahay kadib markii ay iska dhex waayeen gole cusub oo wasiiro ah oo uu damacsan yahay madaxweyne Xaaf in dhawaan uu ku dhawaaqo.

Mid kamid ah xxildhibaanada mooshinka wada oo aan la hadalnay ayaa beeniyay sababta mooshinka ay uga keeneen Xaaf oo ah in ay xilal wasiirnimo waayeen ,waxa uuna taa badalkeeda sheegay in madaxweyne Xaaf uu hareer maray dastuurka maamulka sidaasna ay mooshinka uga keeneen.

Ma cadda halka uu saldhigan doono mooshinkan ay xildhibaanada fadhiya Dhuusomareeb ka wadaan madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf maadama xildhibaanadan marba marka ka dambeysa uu sii kordhayo hadal heynta mooshinkan iyo xildhibaanada ku biiraya saxiixa mooshinka ka dhan ah madaxweyne Xaaf.

Horseed Media 2018