golis

GALMUDUG: Xaaf oo ku dhawaaqay gole wasiirada cusub

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa habeenimadii xalay ku dhawaaqay golaha wasiirada cusub ee maamulkiisa ,kaddib mudo la dhowrayay magacaabista golaha wasiirada cusub ee maamulka Galmudug.

Golaha wasiirada cusub ee uu magacaabay madaxweyne Xaaf ayaa ka kooban 25 wasiir oo aan lahayn wax ku xigeeno ah isla markaana qoondada haweenkuna ay ka yihiin labo,waxaana magacaabistooda sida muuqata lagu saleeyay awood qeybsiga beelaha degan Galmudug.

Markii ugu horeysay golaha wasiirada cusub ee maamulka Galmudug waxaa kasoo dhex muuqday xubno horey uga tirsanaa maamulkii Ahlu sunna ee ku biiray Galmuug.

Xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay magacaabista golaha wasiirada cudub ee Galmudug ayaa labadii maalmood ee  lasoo dhaafay ka taagnayd magaalada Dhuusomareeb,iyadoona markii dambe xiisadaasi ay isku badashay mooshin ay Xaaf ka keeneen xildhibaano ka tirsan Galmudug garabka fadhiya Dhuusomareeb.

Horseed Media 2018