golis

Madaxweyne Gaas oo Madaxda maamul goboleedyada Garowe kusoo dhaweeyey.


Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Gen, Maxamed Abshir International Airport kusoo dhaweeyey Madaxweyne yaasha Jubbaland iyo Koonfur-Galbeed Axmed Maxamed Islaan & Sheikh shariif Sheikh Axmed, halka Madaxweynaha Gal-mudug Axmed Ducaale Geele oo isna soo gaaray Caasimada Puntland uu kusoo safray dhulka isagoo kasoo kicitimay Magaaladda Galkacyo.

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa inay Garowe ku yeshaan shirkoodii Golaha Iskaashiga Maamulada Xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Waxaan kulankan imaan Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo hore u sheegay inuu heshiis la gaaray Xukuumada Federaalka oo ay horey xurguf uga dhaxeysay.

Madaxweynaha Maamulka Gal-mudug Axmed Ducaalle Geele ayaa bulshada iyo xukuumadda Puntland uga mahadceliyey sidii loosoo dhaweeyey, waxaana uu xusay in uu indhihiisa kusoo arkay heerka nabadgelyadda degaanadda uu kusoo socdaalay.

Horseed Media