Guddoomiyaha baarlamaanka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqey guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed.
Guddiga ayaa ka kooban 27 xubnood, waxaana cod aqlabiyad ah ku ansixiyey baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ka kooban 145 Xildhibaan.
Magacaabistan gudigan ayaa siweyn loo dhowrayay maadama ay soo dhawaatay xiliga doorashada madaxweyne ee maamulka Koonfur galbeed oo la filayo in ay qabsoonto 17-ka bisha soo socota ee November.
Dhawaan ayay ahayd markii baraha bulshada iyo warbaahinada Soomaalida ay baahiyeen warqad lagu sheegay in lagu magacaabay gudiga doorashada maamulka Koonfur galbeed taasoo keentay in gudoonka barlamaanka maamulkaasi uu been abuur ku tilmaamo magacaabista gudigaasi aan la ogeyn cida magacawday.
Hoos ka akhri