golis

Ciidamo huwan ah oo la wareegay deegaanka Fiidow ee Shabeelada Dhexe

Ciidamo isugu jira howlgalka nabad ilaalinta AMISOM iyo kuwo Xoogga dalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay barqanimadii maanta la wareegeen deegaanka Fiidow oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Dhaq dhaqaaq ay ciidankan kula wareegeen deegaankan oo horey gacanta ugu hayeen Alshabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga dareemayay gobolka Shabeelaha dhexe.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga Soomaaliya ayaa sheegay in wax khasaaro ah aysan kala kulmin Xoogaga Alshabaab tan iyo intii ay ku guda jireen Howlgalka ay kagala wareegayeen deegaanka Fiidow.

Dhankooda Alshabaab wax war ah kamasoo saarin hadii uu jiro khasaare ka dhashay howgalkan looga wareejiyay gacan ku haynta Deegaanka Fiidow.

Fiidow waa deegaan qiyaastii 50 kilo mitir u jira magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha dhexe waxa uuna kamid ahaa deegaano muddo gacanta ay ku hayeen Alshabaab.

Horseed Media 2018