golis

Baydhabo: Agaasimihii hore ee NISA oo Baydhabo lagu soo dhaweeyey isaga oo Musharax ah

Agaasimihii hore ee Nabadsugida Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen ayae+y Baydhabo oo ah halkii lagu doortey isla amrkaana aan ahayn xarunta maamulkaas, ma jirta maanta duhurnimadii ka dagay magaalada Baydhabo isagoo ay galbinayaan xildhibaano ka tirsan labada golo iyo wasiiro ka soo jeedo Koonfur Galbeed, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey shacabka magaalada, xildhibaano, oday dhaqameedyo, aqoon yahahano iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xuseen waxaa loo galbiyey goob loogu diyaarshay boqolaal qof si uu khudbad uga jeediyo, waxaan halkaas lagu soo bandhigay heeso lagu gubaabinayo xildhibaanada Koonfur Galbeed in ay doortaan Xuseen Cismaan Xuseenn.

Xuseen Cismaan ayaa uga mahadceliyey dadkii soo dhaweeyey wuxuuna yiri” Waan idinkaga mahadcelinayaa soo dhaweyntiina qiimaha badan, waxaana qaadan doonaa kulamo kala duwan, anigoo qaybaha bulshada la qaadan doona wada tashiyo ku aadan sidii loo bad baadin lahaa shacabka Koonfur Galbeed, oo dhibaato ka haysto dhanka amniga, dhaqaalaha, maamul xumada, caafimaadka iyo Waxbarashada” ayuu yiri Xusein oo war kooban siiyey shacabkii u la kulmay

Agaasimihii hore ee NISA ayaa lagu wadaa iuu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa, kadib xaflad balaaran oo lagu qaban doono magaalada Baydhabo, waxaan amaankiisa sugaya ciidamo khaas ah oo ka raacay magaalada Muqdisho, wuxuuna u muuqdaa musharax ay dowladu gadaal ka riixayso.

Subaxnimadii saakey ayaa diyaarad wadey gawaarida xabbadu aysan geli karin iyo ciidamo ilaalo u ah oo gaaraya 30 ay ka degeen magaalada Baydhabo.

Doorashadii 2014 ayuu Xuseen Cismaan isku dayey in uu la tartamo Shariif Xasan Sheekh, laakiin waa tanaasuley, sanadkii 2017 ayuu mar kale isu taagey in uu Jawaari kula tartamo kursiga Afhayeenka baarlamaanka.

Xuseen Cismaan Xuseen ayaa muddo dheer ahaa Xildhibaan, waxaana ka hor inta aan loo magacaabin Agaasimaha NISA uu ahaa Wasiir kuxigeenka caafimaadka.

Doorashada Koonfur Galbeed ayaa dhacaysa labada todobaad ee u danbeeya bisha Nofeemar ee fooda ina ku soo haysa. Shariif Xasan Sheekh Adam ayaa lagu doodayaa in uu ku fashilmey hoggaaminta maamulkaas waxaana u dhaafin kari waayey magaaladii lagu doortey ee baydhabo oo aan xarun u ahayn maamulkaas, inta badan goboladaas waxaa ka taliya Al-Shabaab, magaalooyinka maamulka Koonfur galbeed waxaa la isaga gudbaa diyaarado, ma jirto magaalo, mid kale u furan.

Horseed Media